- Ma aanu naqaan aqoon buuxda oo ku saabsan COVID-19 si loo xaqiijiyo suurto-galka jir-difaaca wadareed ee dabiiciga ah. Kani waa xanuun cusub, hadaba ma ay jirin wakhti ku filan oo si buuxda weli loogu daraaseeyey difaaciisa.
- Ma aanu naqaan inta ay qofka ku qaadanayso in uusan qaadin cudurka markale kadib makii uu horay ugu soo dhacay COVID-19 (Intee ayay iska sii difaaci karaan).
- Ma aanu naqaan in hadii aad cudurka horay u qaaday uu marka labaad noqon doono mid ka roon ama ka xun kii hore.
- Ma garanayno in qof horay u soo jiradey, oo hadana la kulmay isla COVID-19 mar labaad uu u sii gudbin karo caabuqa (Virus-ka) dadka kale.
Anagu ma awoodno keenista jir-difaaca wadareed in uu ku yimaado si dabiici ah, taasi waxa ay sababtay in kumanaan reer Minnesota ah ay aad u jiradaan ama ay dhimanayaan. Talaaku waa jidka lagu gaari karo jir-difaac dabiici ah oo wadareed ayada oo uusan dadku jirran iyo/ ama aysan dhimanaynin. Talaalku wuxuu u ogolaadaa in jirka qofku horumariyo difaaca kahortagga cudurka ayada oo sida caadiga ah la xanuunsan.
Fariintaan waxaa idin soo gaarsiiyey Waaxda Caafimaadka ee Minnesota.